Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jadwalkii doorashada labada Aqal ee Baarlamanka Somalia oo fashilmay

Doorashada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacday waxaana muuqata guud ahaan doorashada Soomaaliya ay dib u soo dhacayso.

Jadwalka doorashada ee ay isla dejiyeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa qeexaya in 1-da ilaa 10-ka December oo manta ku eg la qabto doorashada aqalka sare, balse wali ma muuqato arrintaas.

Marka laga reebo Guddiyo doorasho oo dowladda ay tababar u furtay ma jiraan talaabo kale oo loo qaaday dhanka doorashada, inkastoo guddiyadaasi muran xoogan laga keenay.

Puntland iyo Jubbaland ayaan weli magacaabin Guddiyada dhankooda ah, iyagoo mid walba uu gaar u tirsanayo tabashooyin u gaar ah.

 

Related posts

Soomaali gubay kaniisado ku yaalla dalka Norwey oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Xukuumada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Daacish oo Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Ciidanka Puntland ee…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---