Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xaalad adag oo soo wajahday Muslimiinta France & sharci la meel mariyey

Faransiiska ayaa ansixiyay sharci wax looga qabanayo xagjirnimada Islaamka kaddib weerarradii dhowaan ka dhacay dalkaas.

Sharcigan oo ah mid uu muddo dheer Madaxweyne Macron ku doonayay in lagu joogteeyo aragtiyada cilmaaniga ku dhisan, ayaa xoojinaya shuruucda waxbarashada guryaha iyo hadallada nacaybka ku dhisan.

Ra`iisul Wasaare Jean Castex ayaa ugu yeeray sharci difaacid ah kaasoo Muslimiinta ka xoreyn doonto xagjirnimada.

Hase ahaatee Dadka qaar oo ka soo horjeeda sharcigan, oo ku sugan gudaha Faransiiska iyo dibaddaba ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay sharcigan u adeegsaneyso in lagu beegsado diin gaar ah.

Madaxweyna Macron waxaa lagu yaqaannaa difaacidda qiyamka Jamhuuriga oo ay ku jirto cilmaaniyadda. Wuxuu diinta Islaamka ku tilmaamay diin “ku jirta xasarad” wuxuuna difaacay xaqa uu Charlie Hebdo u leeyahay inuu daabaco sawir-gacmeedyada lagu sheegay Nabiga NNKH.

Ansixinta sharciga ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan weerarro ay koox Islaamiyiin ah ka geysteen Faransiiska.

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Nice bishii October ee la soo dhaafay

Labo qof ayaa sidoo kale bishii September toorrey lala dhacay isla markaana si xun loogu dhaawacay magaalada Paris meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo.

Waxaa ka sii horeeyey dilka Macalin ardaydiisa tusiyey sawir gacmeed lagu aflagaadeynayey nebi Maxamed NNKH.

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dhalinyarada Soomaaliyed ka dalbaday arrin xasaasi ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Cagjar oo xabsiga dhigay Mas’uuliyiin, kuwa kalena shaqada ka eryey

Caydiid Ali

CIA-da Maraykanka oo qasabtay Farmaajo & ciidanka diidan muddo kororsiga oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---