Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iran oo shaacisay iney qabatay kooxdii dilka u geysatay Mohsen Fakhrizadeh

Shaqsiyaadkii ku lugta lahaa weerarkii lagu dilay Mohsen Fakhrizadeh oo ahaa Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka ayaa la xiray.

Xussein Amir Cabdollahian ayaa TV-ga Al-Alam u sheegay inuusan awoodin inuu faahfaahin dheerad ah ka bixiyo arrintan, sababo ammni awgeed, balse waxaa uu sheegya in kuwa dilka geystay aysan ka baxsan doonin caddaaladda.

Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan cadeymo muujinaya in Israel ay ku lug lahayd dilka saynisyahankan hase yeshe Israel ilaa iyo hadda arrintan kama jawaabin

Mohsen Fakhrizadeh, waxaa lagu dilay meel u dhow Tehran 27-kii Noofambar ka dib markii gaari uu la socday ay weerareen dabley hubeysan

Mas’uuliyiinta Iiraan waxay soo bandhigeen warar is khilaafsan oo ku saabsan sida loo toogtay isaga oo safar ku marayay magaalada Absardoo ku taalla duleedka Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Codeynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad oo bilaabatay

Caydiid Ali

Premier Bank oo ardayda jaamacadaha Muqdisho ee leh halabuurka ganacsiga ku tartansiinaya $21,000

admin

DF oo 3 bilood dib u dhigtay dhaqangalka go’aan horey uga soo baxay (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---