Iska horimaad ayaa caawa degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada amniga DF iyo dabley hubeysan.
Warka ayaa intaas ku Daraya in iska horimaadku uu bilowday markii rag hubeysan oo gaari watay ay isku dayeen iney xoog ku jiiraan bar control oo agagaarka Ex-Carwo Idko u taalla ciidamada amaanka DF.
Rasaas culus ayaa la soo sheegayaa iney isweydaarsadeen labada dhinac, iyadoo sidoo kale la maqlayey qaraxyo loo adeegsaday bambooyin ay adeegsanayeen dableyda weerarka soo qaaday.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida ay ahaayeen dableyda weerarka fulisay, kuwaasoo qaarkood sheegayaan iney ahaayeen koox gelbineysay Qaad si sharci daro ah loo soo geliyey dalka, halka warar kalena ay tilmaamayaa iney ka tirsanayeen Al-shabaab.
Xaalada ayaa hadda degan inkastoo goobta ay xireen ciidamada amaanka DF,. Welina ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Dhinaca kale, rag hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney isla caawa bambooyin ku tureen xarunta waaxda barwaaqo ee degmada Warta Nabada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com