Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka G/Banaadir oo shaqsiyaad been abuur sameynayey u gudbiyey hay’adaha Amniga

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti Been-Abuur ah ku raadinayey in dublikaato loogu sameeyo ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheer ah loogu sameeyo.

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool Caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Balad Xaawo iyo ciidamada dowlada oo gurmad badan helay

Cabdi Cade

Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe oo kulmay iyo qodobadii ay kawada hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira dagaalkii shalay ka dhacay Gedo lagu dilay Siyaad C/Naasir Cagalaab?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---