Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Dib u habeynta Shaqaalaha Puntland (Sawirro)

Guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021.

Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

M

 

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Cadaado ugu diyaar garowday soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

admin

Raisul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Oslo

Cabdi Cade

Dowladii labaad oo shaacisay iney ka baxday xubinimadii Heyadda Q/Midoobay ee UNESCO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---