Dowlada Turkiga ayaa xanjabaad culus dirtay kadib Markab laga leeyahay dalkaasi gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ka amar qaata Jeneraal Khalifa Haftar oo dagaal kula jira dowlada Liibiya.
Ciidamada Khalifa Haftar ayaa sheegay in jidka u galeen Markab ee leedahay Shirkad Turki ah oo ku safrayay calanka Jamaica, waxa ayna maleeshiyaadkan gacanta ku hayaan shaqaalihii Markabka la socday.
Markabka Mabrooka ayaa waxaa la socday 17 shaqaale oo 9 kamid ah u dhasheen dalka Turkiga, waxaana maleeshiyaadka gacanta ku dhigay Markabka sheegeen in uu soo galay aaga howlgalada milatari.
Wasaarada Arimaha dibadda Turkiga ayaa si kulul u cambaareesay falkan lagu qafaashay Markabka oo la sheegay in uu waday gar gaar, waxa ayna dowlada Turkiga ku baaqday in Markabka loo ogolaado in safarkiisa sii wato.
Dowlada Turkiga ayaa ku hanjabtay in cawaaqib xun kala kulmi doonaan kooxda Markabkan afduubatay hadii aysan sii seyn markabka iyo shaqaalaha la socsa.