Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.
 
Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.
 
Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in maamulka go’aamisay in Bangiga Puntland, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.
 
“Laga billaabo berito Bangiga maamulka  waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo, bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.” ayuu yiri Madaxweynaha
 
Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
 
Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xagee ku Dambeyn doonaa Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ?

Cabdi Cade

Villa Somalia oo Faahfaahisay Ergayga loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Waxa uu qabanayo

Cabdi Cade

Akhriso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirkii Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---