Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Jubbaland oo loogu deeqay Gaadiidka loo yaqaan Cabdi Billaha (Daawo Sawirro)

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta kala wareegay Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay gaadiid nuuca loo yaqaan Cabdi Billaha oo loogu tala galay in ay isticmaalaan ciidamada booliiska.

Masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaana gaadiidkan ciidamada booliiska loogu deeqay maanta kala wareegay Hay’adda UNOPS , waxaana gaadiidkan ku shaqeyn doona ciidamada booliiska ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Cabdullaahi, oo gaadiidkan la wareegay ayaa uga mahad celiyay UNOPS gaadiidkan ay ciidamada ugu deeqday, waxa uuna sheegay in gaadiidkan booliiska shacabka ugu shaqeyn doonaan.

Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubbaland ayaa taageero ka hela hay’adaha Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaana horey Jubbaland loogu deeqay gaadiid kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi: “Saddex mucjiso ayaa ka dhacay xaruntii Madaxtooyada Qaranka”

Caydiid Ali

R/Wasaare Khayre oo Xalay lugta soo mariyay qeybo badan oo Muqdisho kamid ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rabshado uu dhiig ku daatay oo Maalintii 2aad ka socda Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---