Toddobaadkii dhawaa (29.11.2020) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeeratay Danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, islamarkaasna erisay Danjire Lucas Tumbo. Xukuummadda waxay ku eedaysay Dawladda Kenya inay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda siyaasadeed, soona faragelisay arrimaha gudaha si ay u carqaladeeyso midnimada dalka (Sonna 29.11.2020).
Haseyeeshee, waxaa la yaab leh inta aysan Nairobi si rasmi ah uga hadal eeda loo soo jeediyay ayaa Golaha Midowga Musharrixiinta madaxtooyada soo saarayn November 1dii bayan eedeyn culus dhusha uga tuuray xukuumadda Soomaaliya, iyagoo ku jiray shir la xiriira doorashada dalka ka dhici doonto 2020/2021.
Bayaanka, wuxuu ku tilmaamay tallaabada Xukuumadda inay gebigeedaba tahay “Olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka” oo ah wax “nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuraya labada dal ee deriska ah,” tasoo saamayn taban (negative) ku yeelan karto “ganacsiga”, ardayda wax ka barata”[Kenya], “qaxootiga” iyo Soomaalida “ deggan iyo kuwa safraya intaba” (Bayaanka Golaha ee 01.011.2020).
Bayaanka waxba kama sheegin dhanka faraggelin iyo xadgudub toona. Taasoo micneheeda yahay in Kenya ay tahay ceeb-ka-saliin oo Xukuumadda Soomaaliya ay gefka leedahay keligeed. Caddaalad darrada bayaanka ka sokow, in mucaaradka ay adeegsadaan ereyo sidaa u culus waxay muujineysaa fahamyarida siyaasiyiinta ee hab-dhaqanka diblomaasiyadda.
Halkaas waxaa ka dhashay su’aasha ah, sidee Kenya fiiro gaar ah ugu yeelan kartaa xasaasiyadda Soomaaliya haddii aan loo xariiqin xudduudda xadgudubyada?
Ma aha markii ugu horreysay ee ay Kenya falal guracan kula dhaqanto Soomaaliya mana qarsoona inay qorsheysatay xeeladdo kala duwan oo ay ku hagardaamineyso dalka, balse fartiinta Muqdisha ayaa ahayd in la xasuusiyo Nairobi in waqtigii ciyaarta uu dhammaaday. Ka falcelinta faragelintii ugu dambeesay waxay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo dhaqaalaha Kenya uu si xun u saameeyay caabuqa Covid-19. Culayskaas ayaa sababay in Barlamaanka Kenya ka doodo siyaasaddooda ku wajahan Soomaaliya.
Waxa dal uu ilaalisado waxaa ugu weyn danta qarankiisa. Haddaba, si loo muujiyo “siyaasad dibedeed suuban” waxaa muhiim ah in mas’uuliinta dalka la siiya xurnimo ay wax uga qabtaan xaaladaha cakiran, mucaaradkuna uu ku taageero xuriyad ay kaga falceliyaan markastoo cadawgu isku dayo inuu waxyeelleeyo danta iyo amniga qaranka. Mawqifka noocan ahi waa mid anshax ahaan lama taabtaan ah.
Soomaaliya waxay marar badan ku dadaashay in Kenya aysan u oggolaan inay ku guulaysato xeeladeeda xoogsheegashada ah. August 28, 2014 Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxuu Maxkamada ICJ horgeysay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya. Wixii maalintaas ka dambeeyey, cadaawada dowladda Kenya u qabto mas’uuliyiinta Soomaaliya amaseba dalka guud ahaan ayaa ka gudubtay xushmadii dariswanaagga.
Jilaalkii dhawaa, Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa ashtako ka dhan ah ficillada dowladda Kenya hordhigay Golaha Ammaanka. Halkii Kenya ay kaga garaabi lahayd cabashada dariskeeda ayey durbadiiba dafirtay kuna tilmaamtay inay eedaymuhu yihiin “kuwa aan sal iyo raad lahayn oo dano siyaasadeed laga leeyahay” (Daily Nation 01/03/2020).
Horaantii sanadkii tegay (Febaraayo 2019) xiisada Muqdisho iyo Nairobi u dhaxeeysa ayaa gaartay meel kulul kaddib markii dowladda Soomaaliya ay London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosaarista khayraadkeeda. Kenya waxay kaga jawaabtay inay dalkeeda ka cayriso Danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan.
Inkastoo dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum ay isku dayeen inay Nairobi u xaqiijiyaan, in aysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwada Maxkamada ICJ, haddana Kenya kuma qancin. Waxay durbadiiba ka soo saartey bayaan xanaf leh oo ka baxsan hab maamuuska iyo xurmada deriswanaagga iyadoo og xaqiiqada oo la qaldo inaysan waxba u tarayn.
Si kastaba ha ahaade, si ismaandhaafka Soomaaliya iyo Kenya uusan u gaarin heer halis ah, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo garabsanaya Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ugu tegay Madaxweyne Uhuru Kenyatta rugtiisii. Dadaalkii diblomaasi waxba kama soo naasa caddaan. Sidaas oo ay tahay, haddana Muqdisho waxay muujisay is-xakamayn ka badan tan Nairobi.
Kenya waxay had iyo jeer adeegsataa khiyaamooyin aan kala go’ lahayn si ay Soomaalida u dhex dhigto shaki, kalsooni darro iyo kala qaybsanaan. Waxay ka shaxeysaa inay ka faa’iideysato qarannimo xumadda siyaasiyiinta matala siyaasadda qabyaaladda. Balse sii wadidda siyaasadaha ka dhanka ah midnimada Soomaaliya waxba kuma soo kordhin doonaan nabadda iyo xasilloonida labada dal iyo tan gobolka toona.
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com