Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Itoobiya oo dilay Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay iyo Dowlada oo ka hadashay

Ciidamada milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira xoogaga taabacsan Maamulka Tigrey ayaa toogasho ku dilay shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Waqooyiga dalkasi.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa la dilay xili ay dhax marayeen goobaha ay ku dagaalamayaan ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga taabacsan maamulka awoodooda la wiiqay ee Tigrey.

Afhayeen u hadlay dowlada Itoobiya ayaa ku eedeeyay shaqaalaha Qaramada Midoobay in ay soo galeen aag qaldan, waxa uuna xusay afhayeenka in shaqaalaha gaari ku marayeen aag aan loogu tala galin.

Kooxdan la dilay ee u shaqeenayay Qaramada Midoobay ayaa kusii jeeday xero ay ku jiraan qaxootiga kasoo jeeda dalka Eritrea ee ku sugan Waqooyiga Itoobiya, waxaana kooxdan rasaas ku furay ciidamada federaalka Itoobiya.

Qaramada Midoobay ayaan wali si rasmi ah uga hadlin shaqaalahan looga dilay Waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana la filayaa in Qaramada Midoobay dhacdadan war kasoo saarto si weyna u cambaareyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo sheeko cusub keenay & afgembi laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Shirkada Somtel oo Abaalmarino kala duwan siisay Macaamiisheeda (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuuliyiin xabsi guri loo galiyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Beyruut

Cabdi Cade
Taboola Ads ---