Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Qofkii ugu horreeyay UK oo qaatay talaalka cusub ee Coronavirus

Qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda UK ayaa qaatay talaalka cusub ee cudurka Coronavirus, kaasoo bilaw u ah qorshaha lagu talaalayo dad badan oo ka so jeeda dalkaas.

Margaret Kenan oo ah Haweenay 90 sano jir ah oo ka soo jeeda Enniskillen, Waqooyiga Ireland ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee talaalkan qaatay.

Haweeneydan oo todobaad kaddib u dabaal-dagaysa dhalashadeedii 91-aad ayaa sheegtay inay tahay hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashadeeda ay hesho.

“Waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badanahay inaan noqdo qofkii ugu horeeyay ee qaata talaalka looga hortagaayo cudurka Covid-19, waa hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashayda, ugu dambayntii waxaan wakhti la qaadan karaa qoyskayga iyo saaxiibaday.” ayey tiri Keenan.

Talaalka ayaa lagu bilaabay dadka ay da’dooda ka weyntahay 80 sano iyo shaqaalaha Caafimaadka, waxaana ka dib la siin doona dadka kale, iyadoo Mashruucan ujeedkiisu yahay in la badbaadiyo dadka ay khatarta ugu badan soo wajihi karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Madaxda Maxkamadaha G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar C/Rashiid oo si kulul uga hadlay Xarigii Muqdisho loogu geestay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

admin

Somaliland: “Argagxiso ay Puntland la socoto ayaa saaka mar kale na soo weeraray”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---