Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Somaliland u aragtaa shirkii Iskaashiga Beesha Caalamka iyo Somalia?

Maamulka Somaliland ayaa baaq u diray beesha caalamka, isagoo ku celiyay inay yihiin dal ka madax-banaan Soomaaliya, isla markaana aysan khuseynin shirarka loo qabto Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa beesha caalamka ugu baaqay in Somaliland ay mudan tahay in lagu ixtiraamo madax-banaani, maadaama ay ka gudubtay nidaamkii qabaliga ah ayna nidaamka Axsaabta badan hirgelisay.

“Marna Somaliland ka gorgortami meyso madax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawladinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE, Madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo heyadddo dowladeed oo dhameystiran” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray inaaney maammulkiisa waxba ka khuseynin shirkii Madasha Iskaashiga Somalia & Beesha Caalamka ee shalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Somaliland ayuu sheegay iney xaq u leedahay aqoonsi caalami ah in la siiyo, ayna ku rajo weyn tahay iney heli doonto, isagoo xusay inay wadaan dadaalkii ay ku heli lahaayeen.

“Waxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskama iman ee shacabkaa u codeeyey” ayuu yiri wasiir Faratoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay, kana tacsiyadeeyey geerida Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi

Caydiid Ali

Kulan lagu Taageerayo dhismaha Galmudug Mideysan oo ka socda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Iran oo ku hanjabtay iney jawaab culus ka bixin doonto Markab laga qarxiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---