Safiirka UK u fadhiya Somalia Ben Fender oo ka mid ahaa xubnihii beesha caalamka ee ku sugnaa xarunta uu shirka SPF ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa Soomaalida ugu baaqay iney casharo ka bartaan dhibaatadii dalka Soo martay oo aysan dib u laaban.
“Dal si uu sare ugu soo kaco, una noqdo mid barwaaqa ah oo madaxbannaani ku leh caalamka, waa inuu jiraa heshiis bulsho” ayuu yiri danjiraha.
Wuxuu u muuqday in uu ka hadlayay khilaafaadka soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya, ee qaarkood ay la xiriiraan arrimaha doorashada.
“Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iyaga keliya danta u ah; inay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.” ayuu sidoo kale intaa ku daray.
Wuxuu tilmaamay in arrimahaas uu horey uga akhriyay buug ka hadlayay dhibaatada qalalaasaha. Balse horey uma fahmin ayuu yiri illaa aan ka imaaday Soomaaliya.
Wuxuu aad uga hadlay in “dib u dhiska dalka uu ka muhiimsanaado danaha gaarka ah ee qabiil ama gobol iyo in laga tanaasulo arrimahaas iyo in sharciga loo hoggaansamo iyadoo loo daneynayo dadka kale oo dhan.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, oo shir gudoominayay kullanka ayaa sheegay in xukuummaddiisa ay ka go’an tahay “in si buuxda ay ugu hoggaansanto heshiisyadii la gaaray ee waafaqsan dastuurka iyo hannaanka hadda ee doorashada.”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com