Danjiraha Mareykanka u fadhiya Somalia Donald Yamomoto ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in doorashada lagu qabto waqtigeeda, isagoo dhinaca kalena mucaaradka siiyey digniino.
Isagoo ku hadlayey shirka SPF ee Muqdisho ka furmay ayuu tilmaamay in qofkii ay ku cadaato inuu wax ku dheelayo ay Mareykanku la xisaabtamayaan, sidoo kalena aan la abuurin doorashooyin is garab socda.
Yamamoto ayaa sheegqy Mareykanka uu ku bixiyay dadaal iyo qarash badan Soomaaliya, doorasho xummaatayna ay halis ku tahay in wixii horumar ah ee la gaaray ay daaqadda ka baxaan, Shabaabna ay xoogaystaan.
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Donald Yamamoto oo ku afeeftay in khudbadiisu ay adag tahay ayaa sheegay in Alshabaab ay dooneyso xilligan weerarro ay ku qaado Gobolka Sh/hoose, saldhigga Ballidoogle ilaa Muqdisho ayna burburiso horumarkii sanadkii hore la gaaray oo dhan iyo guulihii ay gaareen ciidamada Soomaaliya AMISOM iyo saaxiibada kale.
Wuxuu madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyda ka dalbaday inay fuliyaan heshiisyadii May 2017 ee London iyo Shirii Baydhaba, Doorashaduna ku dhacdo sidii lagu hesiiyey Septembar 2020.
Wuxuu toos ula hadlay Musharixiinta mucaaradka isagoo ka dalbaday inuusan jiri karin hanaan doorasho oo kale, isagoo dowlada Federaalkana u sheegay inaan la aqbaleynin dib u dhac ku yimaada Doorashada, lana fuliyo heshiiskii wadar-ogolka ahaa.
“Mareykanka iyo beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin hakadka galay howsha Doorashada. Doorashada waa in lagu qabto waqtigeeda, Heshiis lagu noqonayo ma jiro, heshiiskii Doorashada ee wadar-ogolka ahaa waa in loo fuliyo sida loogu heshiiyay.” ayuu yiri Donald Yamamoto.
Safiirka Mareykanka ayaa dalbaday madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay heshiis ka gaaraan khilaafaadka jira, wuxuuna caddeeyay in doorashada la xaqiijiyo aysan shacabka Soomaaliyeed qaadi karin dib u dhac, Wuxuuna digniin ku bixiyey haddii lagu fashilmo arirntaasi inay dhammaan burburayaan wixii horumar ahaa ee la gaaray, taasina aysan aqbali doonin Maraykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com