Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay magacaabeen golaha midawga musharrixiinta ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyay.
Xubnaha guddiga oo ka kooban 28 ayna ku jiraan wasiirro hore ayaa guda gelaya shaqadooda, waxaana la filayaa inay iska dhex doortaan guddoon hoggaamiya inta ay ku guda jiraan shaqooyika loo igmaday ee ay ugu horreyso ka shaqeynta hannaanka lagu badbaadinayo doorashooyinka qaranka.
Golaha midawga Musharrixiinta ayaa guddigaan magacaabay kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska indha tirtay baaqyadii ay musharrixiintu u direen ee salka ku hayay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo horseed u noqota in dhammaan dhinacyadu ay ku qancaan natiijada doorashada.