Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Aalada Fogaan Araga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo manta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka
Laftagareen ayaa hadal jeedintiisa Madasha kaga Hadlay Arimaha Amniga, Doorashooyinka, Arimaha Siyaasada loo dhanyahay iyo Hormarada Degmooyinka ay ku tilaabsadeen.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu ka hadlay Amniga Degaanada Koonfur Galbeed iyo labadii sano ee la soo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay waxaana uu xusay in lagu guulaystay dib u xoreynta degmada Awdheegle, Sabiib, Caanoole, Janaale iyo Deegaano kale Waxaana uu sidoo kale uu xusay inuu dhowaan bilaabanayo Howlgalo dib loogu Xoreynayo Al-shabaab Goobaha ay kaga harsan yihiin Deeganada koonfur Galbeed
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sido kale ka hadlay Arimaha siyaasada ee Koonfur Galbeed oo hormaro laga gaaray sida Dib-u-Heshiisinta, Xasiloonida Siyaasadeed, Deganaansho, Hirgelinta Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidoo kale Madasha kaga hadlay arrimaha Doorashooyinka Waxaana uu sheegey inay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii Sept 2020 lagu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Isagoo sii hadlayay ayuu Lafta-gareen soo hadal qaaday muranka ka dhashay cida soo magacaabeysa guddiga doorashada xubnaha gobolada woqooyi ayuu sheegay in heshiiskii la gaaray uu dhigayey in Guddigaas uu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.
“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha Somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa, hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeynayaa guddiga Somaliland, wey cadahay heshiiskay ku qoran tahay raisal wasaaraha soo magacaabayo waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed oo Somaliland ka soo jeeda, Cabdi Xaashi oday Soomaaliyeed waaye”, ayuu yiri Lafta-gareen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com