Qaar kamid ah Ururada Siyaasadeed ee ka jira deegaanada maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay Maamulka uu hogaamiyo Madaxweynaha Puntlands Siciid Cabdullaahi Deni sidii ay u maareeyeen sarifka shilin Soomaaliga iyo sicir bararka taagan.
War saxaafadeed ay soo saareen Ururadan oo shalay ku shiray magaalada Garawe ayey ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin qaabka ay xukuumada Puntland u maareysay sicir bararka iyo sarifka shilin Soomaaliga.
Ururadan ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay dhacdadii dhawaan ka dhacday xarunta golaha Wakiilada Puntland ee xasaanada looga qaaday 8-Xildhibaan oo katirsanaa Golaha Wakiilada maamulkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com