Kooxo burcad hubeesan ayaa deegaanka Danoon oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, iyagoona dhac u geestay goob ganacsi uu ku sugnaa marxuunka la dilay.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa gudaha u galay dukaanka uu ku sugnaa muwaadinka Soomaaliyeed, waxa ayna dhoor xabadood ku dhufteem marxuunka oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Aadan (Rasta).
Burcada ayaana dilka kadib dukaanka ka geestay dhac baahsan, waxa ayna halkaasi ka qaateen lacago iyo sidoo kale alaabo yar yar oo yaalay dukaanka sida ay ku warameen dad tagay dukaanka dhaca kadib.
Ciidamada booliiska magaalada Cape Town oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan falkan ayna baadi goob u galayaan sidii loo soo qaban lahaa burcadii dilka ka dambeesay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu dilay boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo dalkaasi u tagay in ay ka helaan nolol iyo shaqo, hasa ahaatee waxa uu dalkaasi noqday kawaan lagu gowraco muwaadiinta Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com