Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb ka dib culeysyo soo wajahay

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo maalmahan joogay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay galabta magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, Maamulka caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qoor-qoor ayaa mudooyinkan waday howlo uu ugu kala dab qaadanayo madaxda DF iyo mucaaradka oo khilaaf xooggan uu u dhexeeyo, kaasoo salka ku haya guddiga doorashooyinka ee DF magacowday.

Dib ugu laabashada Qoor-qoor ee magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu macneeyey culeysyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka taagan degaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumandoska Somalia oo kaabiga ku haya degmada Jamaame (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ka furmay Beijing (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo shaqada ka joojiyay Raisul Wasaare Rooble kuna eedeeyay Musuq maasuq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---