a’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday.
hirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada gole ee Baarlamanaka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantood si wada jir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay in ay dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.
“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo. Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada, Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”
Dhinaca kale shirka waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.
Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxdo u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com