Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duqeymo, bililiqo iyo dagaallo weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Tigray

Sida ay ku warrameen ururka TPLF Duqeymo, bililiqo iyo dagaallo ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Tigray,  kadib markii ciidamada dowladda Ethiopia ay sheegeen inay maalmo gudahood kusoo qaban doonaan hoggaamiyayaasha kooxdan.

Dowladda Abiy ayaa sheegtay in dagaalka uu sii qababoobayo toddobaad kadib markii ay qabsatay magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka ah.

Hase yeeshee hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa farriin qoraal ugu sheegay wakaaladda wararka Reuters inay weli ka dagaalamayaan banaanka magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay Jimcihii duqeeyeen magaalada Abbi Adi, isaga oo aan bixin faah-faahin, halka afhayeenka TPLF Getachew Reda uu ku eedeeyey ciidamada dowladda inay bililiqeysteen Mekelle, balse Ciidamada dowladda kama jawaabin eedeymaha ka yimid TPLF.

Colonel Shambel Beyene oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Jimcihii sheegay inay 10 km u jiraan keymaha Gore, halkaasi oo Debretsion, Getachew iyo madaxda kale ee TPLF la rumeysan yahay inay ku dhuumanayaan.

“Waxaan u baahannahay kaliya dhowr maalmood si aan ugu tagno,” ayuu u sheegay taleefishinka dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka degan gobolka ayaa ka welwelsan in gobolka ay ka dhacaan, cunno, shidaal iyo dawo yari, iyadoo haatan sicir barar xoogan uu saameeyey dhamaan gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo faahfaahin ka bixisay sababaha keenay iney xiriirka u jarto Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Boqolaal gantaal oo caawa lagu garaacay Tel Aviv & geerida Yuhuuda oo gaartay..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Caano shubka Ugaaska Xawaadle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---