Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay sargaal katirsan Al Shabaab iyo ciidamo uu watay

War kasoo baxay taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan oo ciidamada ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Howlgalka ciidamada milatariga Soomaaliya ka fuliyeen degaanada Wala galeen ,Galka saalimow, Dahaad ,Ceel maracade Garas Gawaan oo katirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa la sheegay in lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka ku dileen 11-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab iyo sargaalkii hogaaminayay.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in ay bur buriyeen goobo Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadan ay ku jiraan goobo uu tilmaamay in Al Shabaab shacabka uga qaadi jireen lacago baad ah.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay howlgalada ay ka fulinayaan gobolka Shabeelaha Hoose, howlgaladan ayaana inta badan ciidanka milatariga Soomaaliya ka sheegtaan guulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marwo Keria Ibrahim oo ogolaatay iney booqasho ku timaado Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray dhameystirka barnaamijka SMP4

Caydiid Ali

Farmaajo oo Guul taariikhi ah ku tilmaamay Doorashadii looga guuleestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---