Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jim Langevin: “Ciidankeena oo Somalia laga saaro waa iyadoo la isku dhiibay Al-Qaacidda”

Jim Langevin oo ka tirsan Xildhibaan xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Rhode Island, ayaa dhaleeceeyay ciidamo ka soo saarista Trump ee Soomaaliya oo uu ku sheegay in ay tahay isku dhiibidda Al-Qaacidda iyo haddiyadda Shiinaha.

Langevin oo sidoo kale ah gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Sirdoonka ee Aqalka Congresska Mareykanka ayaa qalad weyn oo aan laga fiirsan ku tilmaamay in ciidamada Maraykanka laga soo saaro Somalia

“Xilli ay Soomaaliya galeyso doorasho, islamarkaana ay colaad ka taagan tahay dalka deriska ah ee Ethiopia, dayacaadda saaxibadeen Somalia ma imaan karin waqti ka xun,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Reuters in “go’aanka Mareykanku uu uga soo saarayo ciidamadiisa Soomaaliya marxaladdan adag ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab iyo shabakaddooda argagixisada caalamiga ah ay tahay mid aad looga xumaado,”.

“Ciidamada Mareykanka waxay sameeyeen waxqabad aad u weyn, waxayna saameyn weyn ku yeesheen tababarka iyo waxtarka howlgalka ee ciidamada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yuusuf.

Haddii ka bixista ciidamada Mareykanka uu tahay mid joogto ah, “waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa dadaallada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Kol. Axmed Cabdullaahi Sheikh, oo soo noqday taliyaha ciidamada Danab muddo saddex sano ah.

Waxa uu sheegay in uu ka barbar dagaallamay ciidamada Mareykanka, iyadoo intii uu taliyaha ahaana labo Mareykan ah iyo in ka badan boqol askari oo ciidankiisa ah ay dhinteen.

Barnaamijka Mareykanka ee lagu gaarsiinayo tirada ciidamada Danab ilaa 3,000 oo askari ayay ahayd in uu sii socdo illaa 2027-ka, ayuu yiri Sheikh, laakiin mustaqbalka arrintaasi ayaan hadda caddeyn.

Haddii ka bixista ciidamada Mareykanka uu tahay mid joogto ah, “waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa dadaallada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Kol. Axmed Cabdullaahi Sheikh, oo soo noqday taliyaha ciidamada Danab muddo saddex sano ah.

Waxa uu sheegay in uu ka barbar dagaallamay ciidamada Mareykanka, iyadoo intii uu taliyaha ahaana labo Mareykan ah iyo in ka badan boqol askari oo ciidankiisa ah ay dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalibaan oo bur burisay qalab ay sheegeen in loo adeegsado musuqa iyo anshax xumada

Cabdi Cade

Warararkii u dambeeyey roobabka Muqdisho, dad ku dhintay & Jidad burburay (Sawirro)

Caydiid Ali

Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalal ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---