Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal oo hogaan cusub doortay

Guddiga doorashada heer Federaal ee ay Xukuumadda Somalia magacawday ayaa maanta iska dhex doortay Guddoomiye.

Waxaa goobjoog ka ahaa madasha 20 xubnood oo ka tirsan guddigaas, waxayna ka dhacday doorashada Hotel Decale.

Codeyn ka dib waxaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal loo doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod.

Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Maxamed Xasan Cirro ayaa mar Barnaamij soo saare ka soo noqday Idaacadda ka hadasha Arrimaha Bani’aadannimada QM ee Ergo taasoo Xarunteedu ku taallo Magaalada Nairobi, isagoona muddo shan ah ka shaqeynayay.

Sidoo kale Guddiyada Doorashooyinka ayaa Mowliid Mataan u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in DF ka dhega fureysatay baaqii ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee ahaa in la kala diro guddiyada doorashooyinka ee heer oo ay sheegeen iney ku jiraan saraakiil ciidan iyo xubno u ololeeya Madaxweyne Farmaajo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Axmed Ciise Cawed oo maanta la kulmay Boqorka Sacuudiga

Cabdi Cade

Dhalinyaradii lagu laayay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho oo la aasay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kheyre oo amar siiyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliska Milatariga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---