Allbanaadir.com
NEWS

Cuno qabateyntii ugu adkeyd Taariikhda oo lagu soo rogayo dowlad ka tirsan caalamka

Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegay in Iiraan ay ku soo rogi doonaan cunaqabatayntii ugu adkeyd taariikhda.

Madaxwayne Xassan Ruuxaani ayaa su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo go’aanada Mike Pompeo ee ku aadan Iiraan.

Haweenayda midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale cambaareeysay khudbadii uu jeediyay xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Mr Pompeo.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in aysan jirin waddo kale oo furan oo ku aadan heshiiskii niyukleerka ee Iiraan lala galay 2015.

Waxa ay intaa ku dartay in Mr Pompeo uusan qeexin sida ka bixitaanka heshiiska Iiraan uu bariga dhexe uga dhigayo mid ammaan ah.

Hadalka Iiraan iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay dowladda Mareykanka sheegtay in ay cunaqabatayno cusub ay ku soo rogi doonto Iiraan.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa horrey uga baxay heshiiskii ay wadamada quwadaha waawayn la galeen dalka Iiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Salman Rushdie oo toorey si xun loogu dhaawacay xilli uu masrax Hadal ka jeedinayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Dambi ku helay Haweeney Baxsad ku joogta dalka Iiraan

Cabdi Cade

Somaliland oo cadeyn u keentay eedeyntii ay u jeedisay Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---