Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 -ka

Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ,  ayaa lagu ansixiyay miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
 
 Dawladda dhexe
 Dawladaha hoose
 Hay’addaha madaxa-bannaan
 SDF
 World Bank
 JPLG.
Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:
 
1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka
 
Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilkii Khashoggi oo hareeyey Kulankii Maadxweyne Biden iyo Maxamed Bin Salman

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo kala fur furtay iyo Olole cusub oo ka bilowday Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---