Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay waaxda Gaashaandhiga dalkaasi in ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya kasoo saaraan horaanta sanadka soo socda .
Donald Trump oo xilka ka degaya bisha soo socota ee Janaayo ayaa amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska sidoo kale ka qeyb qaata howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa 700- askari, ciidamadan ayaana marka Soomaaliya laga saaro la geenayaa wadamo kale oo Soomaaliya daris la ah sida Jabuuti iyo dalal kale.
Dowlada Mareykanka ayaana sheegtay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha ay argagaxisada ku tilmaameen iyo taageerada ay siiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa tababaro siiya ciidamada kumaandooska ee Danab , waxa ay sidoo kale ciidamadan ka taageeraan kuwa Soomaaliya dhinaca saadka iyo howlgalada gaarka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com