Warbaahinta dowlada ayaa baahisay in ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose kusoo qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.
Ciidamada Danab ayaana gudaha u galay guri uu degmada Wanlaweyn uga sugnaa Maxamuud Maxamed Sheikh Cali oo saraakiisha ciidanka dowlada sheegeen in uu ahaa Madaxa dilalka qorsheesan ee Al Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in xog ku heleyn in Habeen kahor soo galay degmada Wanlaweyn kuna dhuumanayo madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan ayna ciidamada ku guuleesteen in nolosha kusoo qabtaan.
Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, mana jiro ilaa hada wax war ah oo Al Shabaab kasoo saareen sheegashada dowlada ee ku aadan in ay qabteen Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com