Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Uhuru oo ka digay in lasoo faragaliyo siyaasada arimaha Gudaha Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wadamada shisheeye uga digay in ay soo faragaliyaan arimaha ka taagan gudaha dalka Kenya sida ay ku warantay Warbaahinta Citizen ee laga leeyahay dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta, ayaa si cad u sheegay in aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo, waxa uuna xusay in dowladiisa ay diyaar u tahay wada shaqeynta wadamada caalamka balse aysan ogolaan doonin faragalin.

Madaxweynaha dalka Kenya oon cadeyn wadamada faragalinta ku haya ayaa codsaday in laga joojiyo dalkiisa isku dayada lagu doonayo in lagu hago, waxa uuna sheegay in diyaar u yihiin soona dhaweenayaan cidii taageereysa .

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xili Xukuumada Nairobi lagu eedeeyay in faragalin ku  heyso siyaasada arimaha gudaha Soomaaliya ayna khalalaaso ka  abuureyso deegaanada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ciidamada Mucaaradka ku biiray oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Toogasho dhimasho sababtay oo ka dhacday Tel aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Cabdiweli Gaas oo shaaciyay halka loo waday qeyb kamid ah lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---