Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Dowladda Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.
*- Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Xeerkan oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshaha dimuqraadiyadda Puntland waxaana loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
*- Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha uga warbixisay cabashooyinka la xiriira sarifka lacagaha, dood kadib Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu go’aamiyey:
1. In laga billaabo (05 December 2020) $1 iyo wixii ka yarba aan lagu diri karin adeegyada mobile-ka ee lacag-ta danabeysan, sida SAHAL iyo E-Dahab.
2. Waxaa la faray dhammaan xafiisyada Dowladdaha hoose ee degmooyinka in cashuurta ay ku qaadi karaan Shillin Soomaali sidii ay hore u aheyd.
*- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya warbixin ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, ayaa Guddi heer Wasiiro ah u magacaabay Ayaxa iyo saameynta uu ku yeelanayo Deegaanada Puntland.
*- Golaha ayaa loo qeybiyay Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca sameynta Siyaasadaha Hay’addaha Dowladda Puntland, si ay usoo akhriyaan loogana doodo kulamada danbe ee Golaha Wasiirada.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com