Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo dhowr ah oo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo ahmiyadaha Galmudugta cusub iyo mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka wadaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay sii joogeyn doonaan garab istaagga Dowladda Galmudug asagoona sheegay in ay derder gelin doonaan howlaha socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo si caro leh uga hadlay go’aankii kasoo yeeray Dowladda Keny (Daawo Muuqaal)

admin

Dowlad Carbeed oo ku faantay iney dhowaan Israel uga digtay weerarka Xamaas

Caydiid Ali

Soomaali loo heysto inuu qarxin rabay kaniisada ugu weyn Roma oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---