Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Trump oo ku fashilmay dacwad uu ka gudbiyey natiijada doorashada Maraykanka

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu qorsheynayo inuu mar kale u tartamo xilka Madaxweynaha Mareykanka ee 2024, kadib markii looga adkaaday doorashadii dhacday bishii November.

Inkasta oo madaxweyne Trump weli uusan aqbalin in laga adkaaday, haddana munaasabad ka dhacday Aqalka Cad Talaadadii, ayuu u muuqday inuu ku qiray inaysan guuleysan dadaallo dhanka sharciga ah oo uu doonayey in wax looga beddelo natiijada doorashada, isaga oo tuhmaya inay dhacday qiyaameyn.

Waxa uu sidoo kale halkaas ku tusmeeyey in laga yaabo inuu mar kale ordo.

“Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale. Waxaan dib idiin arki doonaa afar sano kadib,” ayuu Trump u sheegay dad uu ku marti-qaaday Aqalka Cad.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr, oo aad ay isugu dhow yihiin Trump, uu Talaadadii shaaciyey in Waaxda Cadaaladda aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in qiyaamey baahsan lagu sameeyey doorashada.

Sidoo kale kiisas maxkamadeed oo kooxda qareenada madaxweyne Trump ay ka fureen dhowr gobol ayaga oo dood ka qabay natiijada doorashada ayaan guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Muqdisho ka dhoofay Villa Soomaaliya oo ka hadashay ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Daawo:- Wararkii ugu danbeeyay dagaalkii daynuunaay & Qoor Qoor oo soo saaray digniin ku aadan shirka Dhuusamareeb!!

admin

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka uga mahadcelisay Fulinta Mashaariic (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---