Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada Xildhibaanimo ka qaaday ilaa 8-mudane oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan ay kamid ahaayeen in is hortaag ku sameeyeen sharciga iyo xeer hoosaadka golaha.
Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa amar ku bixisay in Xildhibaanada maanta laga qaaday xasaanada aysan ka bixi karin deegaanada maamulkaasi sidoo kale lala socdo dhaq dhaqaaqooda.
Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in laamaha amaanka la socdaan dhaq dhaqaaqa xildhibaanadan , waxa uu sidoo kale Gudoonka Baarlamaanka ka codsaday in talo kasoo bixiyaan in xabsi guri ama xabsi kale la geliyo mudanayaashaasi.
Waxa uu ku eedeeyay xeer ilaaliayha xildhibaanada xasaanada laga qaaday in ku kaceyn falal kasoo horjeeda sharafta iyo karaamada Golaha Wakiilada , sidoo kale ay sameeyeen carqaladeyn Shaqo, Aflagaado ay u geysteen Guddoonka & Xubnaha kale ee Golaha.
Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaana la filayaa in dacwado kusoo oogaan Xildhibaanada maanta xasaanada laga qaaday si maxkamad loo soo taago looguna qaado eeda dacwadaha loo heesto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com