Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Ben Fender (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa maanta la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.
 
Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Danjiraha a Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya yaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub.
 
Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadaneyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho ku dhacda si nabdoon.
 
Danjiraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowladda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu laayay Ciidamo katirsan Ilaalada Kacaanka Iran

Cabdi Cade

Shiinaha oo qaaday talaabooyin caro leh oo ka dhan ah dowlada Mareykanka

Caydiid Ali

Himilada Dib U Soo Laabashada ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---