Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Raisul Wasaare Rooble uga digay inuu aqbalo qorshe halis ah oo uu u soo bandhigay Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble inuu Jubbaland u aqoonsado degaan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreynayo. Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin” ayuu C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.
Xukuumadda Soomaaliya u yeeratay safiirkeeda dalka Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalkiisa ugu laabto la-tashi, markii ay ku eedeysay inay Kenya Madaxweynaha Jubbaland ku cadaadineyso inuu diido Doorashada Soomaaliya.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Madaxweyne Farmaajo iney siyaasada arrimaha dibeda u adeegsanayso olole doorasho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com