Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, waxaana ciidankaan tababarka u soo xiray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage.
Tababarkan oo gacan ay ka geysatay dawladda Mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin ka tirsan kumaandooska Danab iyo saraakiil Maraykan ah, iyaddoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidankan.
Waxay soo bandhigeen Ciidankaan dhoola-tus ay ka mid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadayo cadawga argagixisada Alshabaab.
Ciidanka Danab oo ay tababartay gacantana ku heyso dowlada Maraykanka ayaa ah ciidamada ugu fiican ee loo tababaray DF, kuwaasoo howlgalo ugaarsi ah ka fuliya degaanada ay Maamulaan Al-shabaab iyagoo gacan ka helaya ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com