Dowlada Sacuudiga ayaa beenisay hadal ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibedda Iran oo sheegay in Riyadh ay kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh.
Fakhrizadeh ayaa Jimcihii lagu dilay Tehran kadib iska horimaad dhex maray ilaaladiisa iyo koox hubeysan oo baabuurkiisa la beegsaday qarax iyo rasaas.
Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in kulan qarsoodi ah oo dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uu horseed u ahaa weerarkan.
Israel iyo Sacuudiga ayaa Iran u arkay inay tahay halis ay si isku mid ah u wajahayaan.
“Wasiirka arrimaha dibedda Iran Zarif wuxuu naf la caari u yahay inuu boqortooyada ku eedeeyo wax kasta oo xun oo ka dhaca Iran,” waxaa sidaas twitter ku soo qoray wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir.
Si ka duwan dalalka kale ee Khaliijka, Sacuudi Carabiya oo xifaaltan xooggan uu kala dhaxeeyo Iran ayaan si rasmi ah u cambaareyn khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com