Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay amaanka xarunta Baarlamaanka Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo cusub lagu wareejiyay amaanka xarunta ay ku shiraan golaha Wakiilada maamulka Puntland.

Ciidamadii horey u joogay xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa xalay halkaasi laga qaaday waxaana amaanka xarunta lagu wareejiyay ciidamo cusub oo hada kadib sugi doona amaanka xaruntaasi.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Deni u gudbiyay cabasho ay ka qabeen ciidamada ilaalada xarunta Baarlamaanka ay sheegeen in gudoomniyaha Baarlamaanka ku caburinayo Xildhibaanada.

Ciidamadii horey u joogay xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay ka amar qaadanayeen gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi , waxa ayna Xildhibaanada sheegeen in ciidamada faraha la galeen wax ka baxsan shaqadooda amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo dhalasho siiyay Nin sir badan ka faafiyay Mareykanka si weyna u raadinayaan

Cabdi Cade

Xog Xasaasi ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay Dilkii Jamal Khashoggi oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo dilay Sagaal Falastiiniyiin ah, 40 kalena dhaawacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---