Guddoomiyihii hore ee Aqalka sare ee Federaalka Itoobiya Keria Ibrahim ayaa isu dhiibtay dowladda Itoobiya sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigray.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Keria Ibrahim ay isu dhiibtay ciidamada Itoobiya, waxayna Bishii June ee sanadkan iska casishay guddoomiyaha Aqalka Federaalka ee Baarlamaanka Itoobiya, iyadoo ka hor timid dib u dhigistii lagu sameeyay Doorashadii Itoobiya.
Markii ay xilka iska casishay waxay Keria Ibrahim ku laabatay magaalada Makelle caasimadda Tigray, halkaasoo ay dhowaan qabsadeen ciidamada Itoobiya, kadib dagaal socday saddex toddobaad socday oo ay la galeen ciidamada Itoobiya.
Keria Ibraahim oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray waxaa xilka afhayeenka Aqalka Federaalka ee Baarlamaanka Itoobiya loo doortay 30-kii April 2018. Waxay ka mid ahayd Guddiga Fulinta Jabhadda TPLF oo dowladda Itoobiya raadineyso.
Dowlada Itoobiya ayaa weli raadineysa madaxdii TPLF oo weli dagaal kula jira ciidamada Itoobiya waxayna sheegeen inay dagaal jabhadeyn ah bilaabeen, madaxweynihii Gobolkaasi Debretsion Gebremichael ayaana hogaaminaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com