Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland iyo Dowlada Czech Republic oo u gogol xaaraya Xiriir ay yeeshaan (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku jooga magaalada Hargeysa.

 
Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.
 
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Somaliland, uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta maamulka iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.
 
Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu maamulka Somaliland uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid  Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) DF oo ciidamo hor leh ka duulisay Muqdisho & Xog ku aadan halka ay ku sii jeedaan

Caydiid Ali

Beelaha Galmudug qaarkood oo saluugsan Xubnaha ku matalaya Baarlamaanka cusub

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Israel oo eedeyn yaab leh u jeediyey Biden “Wuxuu taageeraa Xamaas”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---