Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid dagaal ay ku qabsadeen dagaalkii shalay (Sawirro)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa shalay dagaal xoogan ku qaaday deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug halkaas oo saldhig ciidan ku leeyihiin milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad, waxa ayna sheegeen in dagaalkaasi ku dileen 56- askari.

Al Shabaab ayaa intii dagaalka socday u suurto gashay in ay qabsadaan deegaanka Bacaadweyn iyo saldhiga ciidanka milatariga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal oo Al Shabaab kula wareegeen dagaalkii shalay ku qaadeen Bacaadweyn, waxaa sidoo kale Al Shabaab soo bandhigeen meydadka askar ay dileen.

Gaadiidka dagaal ee Al Shabaab dagaalka ku qabsadeen ayaa isugu jiray labo gaari oo saaran yihiin qorayga Zuuga, sadex gaari ay ku xirnaayeen qorayga Dhashiikaha iyo gaari kale oo saarnaa qorayga loo yaqaan B10.

Sawirada Al Shabaab shaaciyeen ayaa sidoo kale laga dhax arkayay iyaga oo dhax socda deegaanka Bacaadweyn iyo xerada ay kala wareegeen ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab markii dambe ku laabteen goobihii ay kasoo duleen.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda shalay deegaanka Bacaadweyn kusoo bandhigay meydadka dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay dileen iyo kuwa kale oo nolosha ku qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo dallka galiyay Xaalad hubanti la’aan ah

Cabdi Cade

Boqor Buurmadow oo goordhaw Xabsiga laga sii daayay kadib Cafis loo fidiyay

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka hadlay munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta(Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---