Hogaamiyaasha Maamulka awoodooda la wiiqay ee Tigrey ayaa lagu eedeeyay in ay sumeeyeen sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga Itoobiya kahor inta uusan bilaaban dagaalka u dhaxeeya Ciidamada federaalka iyo kuwa taabacsan Tigrey.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaasha Tigrey in ay sumeeyeen janaraal Diriba Mekonnen oo katirsanaa saraakiisha ka howlgalayay xero Milatari oo kutaala gobolka Tigrey.
Waxa uu sheegay Abiy in 15-maalin kahor inta uusan bilaaban dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa taabacsan Tigrey in ay sumeeyeen janaraal Diriba Mekonnen kadib markii uu lasoo qadeeyay hogaamiyaasha TPLF.
Abiy Axmed ayaa sheegay in janaraalka dhibaato xoogan kasoo gaartay sunta la siiyay, waxa uuna tilmaamay in ilaa hada la jiifo dhibaatada Sunta uuna awoodi waayay in uu soo kaco shaqadiisana dib ugu laabto.
Ciidamada federaalka Itoobiya ayaan dagaalka ay la galeen xoogaga taabacsan Tigrey ka gaaray guulo waa weyn, waxa ayna ciidamada dagaal kula wareegeen magaalada Makelle ee caasimada Tigrey iyo magaalooyin kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com