Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Qoor Qoor soona bandhigay Fashilkiisa

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa mudo bil ku dhaw kasoo maqan deegaanada maamulka Galmudug, waxa uuna ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu ka wado shirar siyaasadeed iyo abaabulo kale.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ahaa Xildhibaanada ay mudooyinkii dambe isku dhawaayeen Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay in shaqadiisa gabay uuna noqday nin u dhaxeeya Muqdisho iyo Istanbuul

Waxa uu sheegay Mahad Salaad in Galmudug ka jiraan dhibaatooyin badan ay ugu dambeesay dagaal dhiig badan ku daatay oo shalay ka dhacay Bacaadweyn iyo cabsi weyn uu sheegay in ay kusoo korortay wadada u dhaxeysa Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xildhibaanka ku dhaliilay Madaxweynaha Galmudug

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

 
Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.
 
Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.
 
Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.
 
Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Marko iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Waa kuma Mohamad Mokhber ninka bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iran?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo si aan la fileyn uga hadlay qaraxii ka dhacay xerada Jaalle Siyaad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---