Allbanaadir.com
NEWS

Nin Qarax miino ku aasayay xaafad katirsan Muqdisho oo la toogtay

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa xalay toogasho ku dilay nin la sheegay in qarax nuuca miinada dhulka la galiyo  ku aasayay xaafad katirsan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo qarax ku aasayay waaxda horseed ee degmada Warta Nabada la isku dayay in la qabto hasa ahaatee booliiska toogteen ninkan xili uu sii baxsanayay.

Maamulka degmada Warta Nabada ayaa soo dhaweeyay howlgalka ciidamada booliiska ku toogteen ninkan qaraxa miino ku aasayay xaafada katirsan degmadaasi, waxa ayna maamulka sheegeen in wada shaqeynta shacabka iyo booliiska lagu fashiliyay qaraxan.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan soo kordhay, waxaana qaraxyada miino inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan ciidamada iyo masuuliyiinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo digniin kama dambeys ah siiyey Israel iyo talaabo ay qaadayaan

Caydiid Ali

Soomaaliya oo la wareegtay Hogaanka Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Afrika

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamza oo labo qodob oo Muhiim ah kala hadlay Culimada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---