Allbanaadir.com
NEWS

Xoogaga Tigrey oo sii daayay Kumanaan askari oo nolosha ku qabteen

Xoogaga Tigrey ee daacada u ah xisbiga TPLF ayaa sii daayay kumanaan askari oo katirsanaa ciidamada federaalka Itoobiya, kuwaa oo la qabtay kadib weerar ay xoogagan ku qaadeen taliska Waqooyi ee ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Tigrey ayaana weerarka ay ku qaadeen taliska Waqooyi ku dilay boqolaal askari oo katirsanaa ciidamada federaalka waxa ayna nolosha ku qabteen ciidamo gaaraya afar kun oo askari.

Saraakiil katirsan xoogaga TPLF ayaa sheegay in ay sii daayeen afar kun askari oo gacantooda ku jiray kuwaa oo is dhiibay markii xoogaga Tigrey weerareen taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka.

Warbaahinta dowlada Itoobiya ayaa baahisay in lasii daayay sadex kun askari oo katirsanaa milatariga Itoobiya ee gacanta ugu jiray Tigrey, waxa ayna sheegeen in askartan ku jiraan kuwa Tigrey ah oo diiday in ay u dagaalamaan xoogaga taabacsan TPLF.

Weerarka ay xoogaga Tigrey ku qaadeen taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka Itoobiya ayaana dhaliyay weerarka ciidamada federaalka ku qaadeen gobolka Tigrey halkaas ay hada ciidamada inta badan la wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ka farxisay boqolaal qaxooti ka soo laabtay xerada Dhadhaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo James Swan oo caawa kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Cabdi Cade

DEG DEG: Dowladda Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey ciidamo tababar u jooga Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---