Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qalad halis ah oo lagu arkay Manhajka cusub ee Wasaarada Waxbarashada DF

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumada Somalia ayaa muujisay iney ka xun tahay qalad weyn oo lagu arkay manhajka ay dhowaan soo saartay ee laga qeybiyey iskuulada dalka.

Dad badan ayaa si weyn uga falceliyey markii manhajka dugsiga sare maadada Juqraafiga lagu qoray in dhererka xeebta Soomaaliya uu yahay 2800-km, iyadoo sida saxda ah uu yahay 3,333km.

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumada Somalia ayaa qoraal ay soo saartay kaga cudur daaratay qaladkaas oo ay sheegtay inuu yahay mid ka yimid dhinaca Daabacaada, lana sixi doono daabacaada xigta.

Hoos ka Akhriso qoraalka Wasaarada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Maxaa ka jira in Mareykanku casuumay Madaxweyne Xassan Shiikh?

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Muhiim ah oo ka dhacay dalka Rwanda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Culimada dowlada Taageersan Waxba kama duwana Al-Shabaab”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---