Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor oo aqbalay inuu guddiga doorashooyinka ka saarayo Xubnaha Villa Somalia ay…

Kabdib kulamo xariir ah oo midawga musharrixiinta ay la yeesheen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaa guul laga gaaray xal u helidda muranka ka taagnaa xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer dowlad gobaleed, gaar ahaan guddiga doorashooyinka ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Xubnaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug oo u badan xoogga wadaniyiinta, saraakiin NISA laga soo xulay iyo shaqaale dowladeed, ayaa waxaa soo qoray una dhiibay Qoor-qoor, taliyaha NISA iyo Farmaajo, waxaana musharrixiintu ku tilmaameen boob doorasho qaawan, waxayna dadaal xooggan u galeen qaabkii guddigaas loo kala diri lahaa loona magaabi lahaa guddiyo doorasho oo dhex-dhexaad ah, lana isku halleyn haro garsoorkooda.

Qoorqoor ayaa musharrixiinta ka oggolaaday dalabkooda ku aaddan helidda guddi aan dhinac u jarjeerin oo lagu aamini karo go’aaminta masiirka dalka iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka badbaasida dhaxalka xun lagala haro doorashooyinka lagu shubto.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, kulankii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay Jazeera ayaa Qoorqoor ugu caddeeyay musharrixiintaa dhammaan xubna aan dhexdheexaadka noqon Karin ee Villa Somalia soo gudbisay laga saaryo laguna bedelayo xubna u qalma inay garsooraan doorasho.

Go’aanka Qoorqoor ayaa hoos u dhigay saameyntii Villa Somalia ay dooneysay inay ku yeelato soo saaridda xildhibaanno u badan NISA oo saamixi lahaa in Farmaajo si fudud ugu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka hoggaamiya laba xilli.

Si ka duwan taas, go’aanka Qoorqoor waxuu sare u qaadayaa saameynta musharrixiinta ee arrimaha doorashada waxaana tusbax furtay noqon doona bedellidda xubnaha guddiyada doorashada, iyada oo madxweyne gobaleedka ugu horreeya ee ku xigsan doono uu noqon karo, Cali Guudlaawe oo ay u joogaan xubno guddi oo hortii Villa Somalia iyo Fahad ay dhex marsiisteen Maxamed Cabdi Waare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyeyaashii hore ee labada Aqal ee BF oo mar kale is sharxay isna diiwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharaxdiinta oo War kasoo saaray Shirka Dhuusomareeb Digniin adagna u diray Farmaajo

Cabdi Cade

DF oo si kulul uga hadashay xasuuqa & gumaadka lagu hayo shacabka Falastiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---