Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo safiirka Kenya ku amartay in dalkiisa aado una yeeratay Safiirkeeda Kenya

Xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa mar kale sii xumaaday, kadib markii dowlada Soomaaliya ku amartay safiirka Kenya u jooga magaalada Muqdisho in dalkiisa ku laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawlada Soomaaliya mudane Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya sheegay in dowlada federaalka  ku wargalisay safiirka Kenya u jooga Muqdisho danjire Lucas Tumbo  in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawlada Soomaaliya ayaa Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawlada Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.
Go’aankasn kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Kismaayo kusoo laabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si adag uga hor yimid sida dowlada u wado doorashada eedeyna u jeediyay Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo Kismaayo kula shiray waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo isku dhiibay Farmaajo dibna ugu celiyay Maamulka Doorashada!!

Cabdi Cade

Qoorqoor oo Wareegto ku soo saaray dhismaha heyad cusub

Caydiid Ali