Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo War cusub kasoo saaray Dagaalka Tigrey iyo Qabsashada Makelle

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhamaaday dagaalkii ay kula jireen ciidamada Tigrey ee daacada u ahaa xisbiga TPLF ee dagaalka kala soo horjeeday ciidamada federaalka Itoobiya.

Qoraal uu bartiisa Tiwitterka soo dhigay Ra’isul Wasaare Abiy ayaa sheegay in si guul ah kusoo dhamaaday howlgalkii ka socday gobolka Tigrey, waxa uuna sheegay in ciidamada si buuxdo gacanta ugu hayaan magaalada Makalle.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in gudaha magaalada ka socdaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo, waxa uuna cadeeyay in aan la bartilmaameedsan dadka shacabka ah aan dambiga laheyn.

Waxa uu sheegay Abiy in qabsashada Mekelle kadib ay hor yaallaan howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska iyo dayactirka waxii ku burburay dagaalka iyo soo celinta dadkii ka qaxay iyadoo muhiimad la siinayo in sidii caadiga aheyd lagu soo celiyo gobolka Tigray.

Dhinaca kale Hogaamiyaha ururka TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa wakaalada wararka ee Reutres u sheegay in aysan wali quusan ayna dagaalka sii wadayaan, waxa uuna ku eedeeyay ciiidamada federaalka in si xoogan u duqeeyeen magaalada Makelle.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga daacada u ahaa Ururka TPLF ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof iyo askar badan, waxaana dagaalka uu sababay bur bur badan iyo kumanaan dad ah guryahooda ka qaxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey Saddex Hindise sharciyeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiyaha ugu sareeya Maamulka Taliban oo markii 2aad fagaare lagu arkay

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo amar siiyey laamaha amniga ka dib weerarkii ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---